Wakaaladdu waxey soo saartay labo documentary iyadoo kii 3_aad ay wado oo kala ah:

Sooyaal Taariikheed ee Soomaaliya oo laga hadlayo halgankii kala duwanaa ee Soomaalidu soo martay laga soo bilaabo Imaam Axmad Guray inagoo si kooban uga hadlayno waxaan soo gaarsiinay maalintii la doortay Madaxeyne Maxamad C/laahi Farmaajo taaso aan ugu talagalnay inaan ku gudbinno labo arrimood oo kala ah:

  1. Inaan barna jiilka cusub taariikhdooda oo kooban
  2. Inaan caalamka u muujinno dib u soo kabashada dalka

Documentary-ga labaad waxaan kaga qeyb qaadanay Todobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed oo aan ku soo bandhignay bal inay dhallintu ku baraarugaan taariikhda iyo inaan kaga warranno sida ay ahaan jirtay maalmahan bari-samaadkii burburka ka hor

Waxaan hadda gacanta ku haynaa documentary-gii seddexaad oo aan dadka ku baranay ahmiyadda Isxil-qaan iyo Faa’iidada ay Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta u leedahay bulsha weynta Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan sidoo kale waxaan ku muujin rabnaa siyaasadda ay ka leedahay Xukuumadda uu hoggaamiyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre ee “Nabad iyo Nolol”.