Wax Qabadka Wakaaladda Filimadda Soomaliyeed
Wakaaladdu waxey bilowday inay dib u soo celiso xiriirkii Caalamiga ahaa iyadoo ay isdhaafsadeen emails kala duwan hay’ado caalami ah Safaarado taaso aan kaga codsanayneyay in dib loo bilaabo wada shaqeyntii naga dhaxeen jirtay iyo xoojintooda Dhowr kulan oo aan la yeelanay saraakiil sare oo ka tirsan Safaaradda Talyaaniga (Italy) ayaa waxaa inoo suurta gashay inay nagu soo wareejiyaan xogihii uu dalkeenu lahaa oo ku jira External Hard Disk iyo CD taaso naga caawisay inaan ogaanno wax badan.
Sidoo kale waxaan kulan la qaadaney saraakiil ka tirsan Safaaradda UK inoo ka wada hadalnay isku xirka labada wakaaladood iyo wada shaqeyntooda
Wakaaladdu waxey xiriiro la sameysay Hay’adaha Caalamka iyadoo had iyo jeer kala hadasha sidey si dhow uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha la xiriira Filimada iyo Documentaryada.
Burburkii Kadib
Waxaa meesha ka baxay doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, iyadoo la galay xilli ay soo baxeen 1990s ilaa 2000s filimo madadaalo ah iyo kuwo wacyi galin ah oo uu ka mid ahaa filimkii Qabyo.
Waxaa xilligan loo bixiyay Somaliwood, iyadoo ay soo baxeen dhalinyaro u badan kuwa qurbaha oo sameeyay filimo dhowr ah.
Filimada ay dhalinyaradan sameeyeen waxaa ka mid ahaa Xaaskayga Araweelo, Filimkii Rajo, iyo Warmooge, oo ahaa filimkii ugu horeeyay ee kartuun ah ee Soomaaliyeed.
Agaasimayaal dhalinyaro ah oo ay ka mid ahaayeen Cabdisalaam Caato oo ka tirsanaa shirkadda Olol Films iyo CabdiMaalik Isaaq ayaa hormuud u ahaa kacdoonkan filimada Soomaalida ee 1990s ilaa 2000s