DABAALDEGYADA FILIMADA

  • Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, waxay sanad walba abaabuli jirtay Dabaaldegga Filimada (Film Festival) ee Mogpaafis oo ay sanad walba ka soo qeybgali jireen shirkado filimada sameeya oo ka kala yimid Africa, Carabta Asia …….. iwm
  • Dabbaaldegga Filimada, ka soo koow shirkadaha, waxaa kaloo ka soo qeybgali jiray Filimsameeyayaal magac leh, Khubaro ku taqasustay sameynta filimada oo ka kala yimid dunida oo dhan, oo ay ku jiraan qeybo ka mid ah Waqooyiga Bari ee Africa iyo Dunida Carabta iyo sidoo kale Aasiya iyo Yurub.

FILIMADA YOUTUBE

  • Waxaa xilligan jira filimo Soomaaliyeed oo intooda la galiyo Youtube, oo ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed. Tayada filimada iyo anshaxa qaar, waa kuwo su’aalo laga keeni karo balse waa isku day aad u wanaagsan u baahan inay helaan tababarro iyo cid hagta
  • Waxay filimadan intooda badan ka hadlaan Jeceyl iyo qisooyin dhacay, iyadoo ay jiraan qaar dagaal ama action ah.

FILIMADII SOOMAALIDU SAMEYSAY AMA KA QEYBGASHAY

  • Sentinels of Bronze (1937)
  • Love Does Not Know Obstacles (1961)
  • The Horn of Africa (1961)
  • Miyo Iyo Magaalo (1968)
  • Dan Iyo Xarrago(1973)
  • A Somali Dervish (1983)
  • The Parching Winds of Somalia (1984)
  • Somalia Dervishes (1985)
  • Ciyaar Mood(1986)
  • Geedka Nolosha(1987)