QEEXID
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed waxey ka mid tahay hay’adaha Warbaahinnada Dowliga ah ee u xilsaaran faafreebka (Jansuurada) muuqaallada lagu sameeyo dalka iyo kuwa laga keeno dalka dibaddiisa ka hor intaan loo baahin bulshada Soomaaliyeed, qaadidda Sawirrada bilicda san, keydinta Muuqaalada Dowliga, diyaarinta dokumantariyada iyo soo saaridda Filimada waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed
HORDHAC
Wakaaladda Filimadu waxey ka horeysay Dowladdii kacaanka iyadoo shaqadeedu ku koobnaa caasimaddda dalka maadaama ay shaqaaluhu ay ku yaraayeen.
Dhalashadii Kacaanku waxey ka xayuubisay daahi kaga gudbanaa Wakaaladda jidka horumarka iyadoo u qortay Miisaaniyad ku filan oo u gaar ah sababtoo ah waxey dareentay baahida loo qabo wakaaladda Filimada iyo doorka ay ku yeelan karto baahinta wanaagga iyo horumarka ka socday dalka ee loo tabaabushaysanayay iyadoo dhalisay in laga dhigo Wakaaladda hay’ad gaar ah oo iskeed isku maamusha inkastoo maamulkeeda kor ahaan la xiriirto Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta ummaddda oo hadda loo badalay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wakaaladda maamulkeeda u gaar ahaansho waxaa lagu ansixiyay sharciga lambarkiisu ahaa 27 ee 25-kii Febraayo 1972-dii taaso qeexaysa xilka iyo waxyaabaha ay u qaban doonto dalka iyo dadkaba (Waajibaad).
Wakaaladdu waxey ku soo beegantay xilli ay shaqsiyaad ganacsato ah ay ku hawlanaayeen keenidda, qeybinta iyo baahinta Filimo aan u daneeneyn danta diinta, dalka iyo dadkaba iyadoo ay Wakaaladdu la wareegtay hawlaas oo dhan una sameysay waaxyo kala duwan oo ka shaqeeya hawlaha ay hayeen ganacsatadu iyo iyadoo sameysay Guddiga baadhista amase Faafreebka Filimada iyo Wargeysyada (Censorship board).
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed iyo Dib u hawl galinteeda
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed markii dib loo hawlgaliyay waxaan horey ka bilownay inay sameyo SWOT Analyses si aan u ogaanno xaaladda wakaaladda ka dib waxaa inoo soo if baxay inaysan wax document oo sharci ah u oolin iyo inay ka go’doonsan tahay Wakaaladaha Caalamka oo ay xiriir dhow oo wadashaqeyn ah ka dhaxeysay hadaba inagoo ka doolayna baahiyada aasaasiga ah waxaan diyaarinay Profile-kii Wakaaladda oo dhowr luqadood ah, Hindisa Sharciyeedka Hubinta Anshaxa iyo Tayada Muuqaallada (Filimada) kaasoo uu soo saxay Garyaqaanka Guud ee Qaranka
HIIGSI
Hiigsiga Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed
- Helidda Bulsho ka Bad-qabta Fikirrada gurracan iyo Anshax xumada
- Wax Baridda Bulshada iyo Maaweelin Togan oo wacyigalineed
- Hanashada, la socodka iyo hagidda Filimada Bulshada loo baahinayo si loo ilaaliyo anshaxa iyo dhaqanka suubban dadka Soomaaliyeed
- Soosaarista Fillimmo, Documentaries iyo goos-goosyo wacyi galineed oo Wax tar leh bulshada Soomaaliyeed.
- Ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka, kobcinta Garaadka dadka iyo Dhaqaalaha dalka
Hab-Fulineedka
Qaab fulineedka WFS waxaa ka mid ah:
- Qaadista Sawirrada bilicda san ee Madaxda iyo Deegaannada dalka oo dhan
- Keydinta Muuqaallada iyo Sawirrada Madaxda dalka iyo khudbadahooda
- Sameynta iyo tabinta Filimmo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed
- Diyaarinta documentariyo (documentary) ka turjumaya horumarka ay ku tallaabsaneyso dowladdu iyo kuwo lugu barayo jiilasha cusub gobollada dalka iyo taariikhda dalka
- Sameynta muuqaallo goos goos ah oo wacyi galin ah
- Faafreebidda iyo la socodka dhammaan filimmada loo baahiyo bulshada Soomaaliyeed
Ahdaafta
- In la helo keyd wacan oo dhaxal gal ah oo isugu jira Muuqaal iyo Sawirro
- In la soo saaro filimo iyo documantariyo (documentaries) tayo leh
- In la hago lana faafriibo filimada ay soo saaraan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka jira dalka iyo
- Inay maamusho lana socotao iyo inay hagto hay’adaha ajaaniibta ee ku hawlan filim sameenta ee dalka u yimaad inay wax duubtaan.
- Soo bandhig fursado Maalgashi iyo mashaariic looga faa’ideeyo dalka
- Inay ka qeyb qaadato waxbaridda Bulshada iyo wacyi galinta