Shirka Horumarinta Fillimadda Soomaaliyeed

Wakaaladdu waxey qabatay shir weyne labo maalmood socday oo looga hadlayay sidii lagu tayeynayo filimada Soomaaliyeed oo ay noqon lahaayeen mid farriin wax dhista xambaarsa.

Wakaaladda waxaa u diyaarsan qoraal filimeed u baahin jilid iyo farriimo wacyi galineed oo ku aaddan kor amniga, waxbarasha, ka faa’ideysiga waqtiga, dhiiri galinta dumarka, caafimaadka …iwm

Nabadda iyo Nolosha Diinta Islaamka

Waxaynu ku casuunay dhallinyaro fara badan inagoo u soo xulnay Sheekh Cali Wajiis si ay wax uga weydiiyaan oo uu uga jaahil bixiyo sida khaldan ee ay u adeegsadaan argagixisadu diinteena suubban oo ah DIIN NABADEED.

Arrinta ayaa timid kadib markaan ogaanay in dhallinyaradu tahay cidda ay Argagixisado si khaldan intay diinta ugu sheegtay u adeegsanayso burburinta Dalka iyo Diinta.

Nabadda iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

Dood cilmiyeedkan ayaan ugu talagalnay inaan dhallinta wax laga ogeysiiyo dhaqanka Soomaaliyeed inuu yahay mid ku dhisan nabad iyo ismaqal oo wax waloo dhaca laga heshiin jiray taaso tilmaameysa inay Soomaalidu dhibta soo kala dhex gasha inay iskood uga heshiin jireen oo ay geed hoostiis ku dhameysan jireen iyadoon gacan shisheeye u kala dab qaadin.